CADAADO (Raxanreeb) Laba qof ayaa ku geeritootay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib iska hor imaad Arbacadii ka dhacay degaanka Baalle oo kaabiga ku haya deegaanka Dhagax-dheer oo hoostaga degmada Cadaado.
Mareykanka oo soo furtay dhallinyaro Soomaali Mareykan ah oo lagu dhaqancelinayey Nairobi
NAIROBI (Raxanreeb) Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa la sheegay inay ka qeybqaadatay badbaadinta dhallinyaro Soomaali-Mareykan ah oo halkaasi loo geeyay dhaqancelin.
Awooddii ergeyga arrimaha gargaarka Cabdiraxmaan Cabdishakuur miyaa la dhimay?
Raxanreeb (MUQDISHO ) Kaddib kulankii deg dega ahaa ee Golaha Wasiirada isla markaana lagu soo hadal qaaday dib u howlgalinta Hay’adda maareynta masiibooyinka waxa soo baxaya guux badan oo ku saabsan kaalinta Ergayga.
Rabshado ka dhacay qubuuro & Wasiir ka tirsan Somaliland oo ku lug lahaa
Raxanreeb (Hargeysa) Rabshado ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay ka dhaceen magaaalada Hargaysa gaar ahaan qubuuro halkaas ku yaalla.
Dil ardayad kaalmaha wanaagsan ka galay oo qof loo soo qabtay
Raxanreeb(MUQDISHO) Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ku waramay in gacanta ay ku soo dhigeen qof ay sheegeen inuu ka danbeeyay dilka gabar ka mid ahayd kuwa kaalmaha hore ka galay imtaxaankii Dowlada ay qaatay. Howlgal ay fuliyeen ciidanka Booliska ayaa lagu soo qabtay , eedeysanaha dilka gaystay m kaas oo muuqaal laga duubay ku sheegay in...
Faallo: Guusha Ruto iyo waxay uga dhigan tahay Soomaalida
MUQDISHO (Raxanreeb) Ruto, oo asalkiisa siyaasadda ka soo galay qoys dan yar ah, waxa uu ku guulaystey in uu tartanka u dhigo mid u dhexeeya dadka danyarta ee nolosha adag ku jira iyo koox boqortooyo ku saleysan oo uu ula jeedo madaxweyne Kenyatta iyo Odinga.
Muuse Biixi ma wuxuu ka cararayaa eedo la xiriira tacdiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha?
HARGEYSA (Raxanreeb) Booliska ayaa lagu eedeeyay inay rasaas u adeegsadeen dibadbaxayaasha iyadoo illaa 6 ruux ay ku dhinteen magaalooyinka Hargeysa, Ceerigaabo iyo Burco.
Raila Odinga oo qaadacay natiijada doorashadii Kenya
NAIROBI (Raxanreeb) Hoggaamiyaha isbahaysiga Azimio ee dalka Kenya, Raila Odinga, oo looga guulaystay doorashada dalka Kenya ee guusha ay ku raacday Wialliam Ruto ayaa diiday natiijada doorashada.
Goormee Soomaaliya laga cafin doonaa deymaha?
ISTANBUL (Raxanreeb ) Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ku sugan wafdi ka socda Dowladda Federaalka halkaas oo ay kaga qayb galayaan shir.
Saraakiil Al Shabaab ah oo lagu dilay Degmada Ceelbuur
Dhuusamareeb (Raxanreeb) Guddoomiyaha degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale, ayaa sheegay in ay dileen xubno ka mid ah kooxda Al Shabaab ka dib dagaal ka dhacay duleedka degmada Ceelbuur.








