Guddomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Faal oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsa Baarlamanka Hirshabelle ayaa..
Khasaare ka dhashay qarax caawa ka dhacay Muqdisho & ….
Waxaa goobta xiray ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ka waxaa jira khadaare kala duwan
Amiir Sacuudiyaan ah oo Jihaad ugu hanjabay dalalka Reer Galbeedka
Amiir la ilmo-adeer ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa soo saaray hanjabaad rabshado leh oo ka dhan ah Reer Galbeedka xilli uu sii xumaanayo xiriirka labada dhinac
Ciyaartoyda da’yarta ee Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho
Waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho Maanta siweyn loogu soo dhaweeyay Ciyaartooyda xulka Kubbadda Cagta ee 17 jirada Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan kusoo guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika kadib markii xulka Qaranka Koonfurta Suudaan ay kaga adkaadeen 3-1
Ciidamada DF iyo ATMS ayaa la wareegay deegaano cusub
Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa weli dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka wada gobolka Shabeellaha Dhexe
Midowga Afrika oo ku dhawaaqay xabbad joojin deg deg ah Itoobiya
Midowga Afrika ayaa Axaddii ku baaqay xabbad-joojin shuruud la’aan ah oo ka dhacda waqooyiga Itoobiya, waxayna ku boorriyeen dhinacyada isku haya inay "dib u yeeshaan" wadahadallada nabadeed, xilli ay sii kordhayaan rabshadaha gobolka Tigray
Boqollaal ku dhintay mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo xukuumadda Iran
Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in mudaharaadada ka socda dalka Iran ee looga soo horjeedo xukuumadda dalkaasi, inay ku dhinteen boqolaal qof oo ay ku jiraan caruur
Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe oo xabsiga laga sii daayay
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dadaallo dheer, kadib lagu guuleystay in maanta xabsiga laga sii daayo guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi (Shafaana) oo haatan ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmadaasi, kaas oo Jimcihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka ee Booliska ay xireen, kadib xiisad ka dhacday halkaasi
Turkiga iyo Giriiga oo isku eedeeyay Meydad Muhaajiriin la qaawiyay
Saraakiisha Turkiga ayaa Axaddii ka jawaabay eedaymo uga yimi dalka Giriiga oo ku saabsanaa, in dalka Turkigu uu si Khasab ah ugu diray dalka Giriiga illaa 92 tahriibe oo qaaqaawan isla markaana ay ka muuqdaan dhaawacyo jidheed, hase ahaatee masuuliyiinta Turkiga ayaa warkaas ku tilmaamay inuu yahay been abuur, iyaga oo ku eedeeyey dalka Giriigu inuu si xun ula dhaqmay muhaajiriinta
Wiil da’ yar oo Ciyaal Weero ku dileen Muqdisho
Kooxo la sheegay inay ahaayeen Ciyaal weero yihiin ayaa xalay waxaa ay degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir kudileen wiil dhallinyaro ah, iyaga oo goobta ka baxsaday
