Boqollaal ku dhintay mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo xukuumadda Iran

Tehran  (Raxanreeb) — Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in mudaharaadada ka socda dalka Iran ee looga soo horjeedo xukuumadda dalkaasi, inay ku dhinteen boqolaal qof oo ay ku jiraan caruur.

Koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 233 qof oo ka mida mudaharaadayaasha in la dilay, tan iyo bishii September 17-keedii oo ahayd xilligii ay bilaabmeen mudaharaadada ka socda dalkaas. Kooxda xuquuqda aadanaha ee HRANA ayaa sheegtay in 32 qof oo ka mida dadka dhintay, inay da’doodu ka hoosayso 18 jir.

Mudaharaadadan ayaa si joogto ah u socda, toddobaadkii shanaad, kuwaas oo ka dhacaya qaybo kala duwan oo ku yaalla guud ahaan dalkaas.

Shacabka mudaharaadaya ee ku sugan magaalada Ardabil ee ku taalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaasi, ayaa ku isticmaalaya hal ku dhegyo ay ka mid yihiin “hadhoco keligi taliyuhu”. Barxadda jaamacado ku yaalla Kermanshah, Rast iyo Tehran, ayaa iyagana laga soo sheegayaa in ardaydu ay ka qaybqaadanayaan isu-soobaxyada, sida ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada.

Magaalada Sanandaj oo xuddun u ah mudaharaadada ka socda gobolka Kurdiyiinta, ayaa hablo wax ka barta dugsiyada magaaladaasi, waxay isticmaalayeen hal ku dhegyo ay ka mid yihiin “Haweenka, Nolosha, Xorriyadda”.

Mudaharaadadan ayaa dalka Iran ka qarxay ka dib markii ay xabsiga ku dhimatay Mahsa Amini oo 22 jir ahayd. Mahsa, waxaa xidhay ciidamada anshaxa ee Iran, iyaga oo ku eedeeyey inay ku xadgudubtay hannaanka lebiska ee laga ogol yahay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.