Ciyaartoyda da’yarta ee Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Ciyaartoyda da’yarta ee Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) —  Waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho Maanta siweyn loogu soo dhaweeyay Ciyaartooyda xulka Kubbadda Cagta ee 17 jirada Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan kusoo guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika kadib markii xulka Qaranka Koonfurta Suudaan ay kaga adkaadeen 3-1.

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya, Bahda Ciyaaraha Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Bulshada gobolka Banaadir ayaa siwyen Garoonka Aadan-Cadde ugu soo dhaweeyay ciyaartooyda.

Intaasi waxaa loo geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale oo katirsan dowladda, iyaga oo ugu hambaleeyay guusha ay gaareen iyo Magaca ay u soo hooyeen Ummadda Soomaaliyeed.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ciyaartooyda xulka Kubbadda Cagta ee 17 jirada Soomaaliya munaasabad weyn oo soo dhaweyn ah loogu sameeyo Garoonka Kubbadda Cagta tuulada Ciyaaraha ee Stadio Muqdisho, sida uu Warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cali Shiine.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo Madaxda Sare ee dowladda Federaalka ah ayaa siweyn ugu farxay Guusha ay gaareen Ciyaartooyda xulka Kubbadda Cagta ee 17 jirada Soomaaliya maadaama ay ku guuleysteen Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.