Ciidamada AmnigaTurkiga oo soo bandhigay Haweenay ka dambeysay qaraxii Istanbul.

Ciidamada AmnigaTurkiga  oo soo bandhigay Haweenay  ka dambeysay qaraxii Istanbul.

Istanbul (Raxanreeb ) Dowladda Turkiga ayaa maanta oo Isniin ah soo Bandhigay Haweenay lagu Magacaabo Ahlan Albashir, taas oo ay sheegeen inay ka dambeysay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Istanbul.

Haweenadan ayaa Booliska Dalka Turkigaga sheegay in ay kasoo jeedaa Dalka Suuriya oo qaxooti badan uu ka joogo Turkigaga.

Wasiirka cadaaladda Bekir Bozdag ayaa taleefishinka A Haber u sheegay in haweeneyd ay 40 daqiiqo fadhisay goobta, “kadibna istaagtay”, ayada oo ka tagtay bac.

Tallaabada soo qabashada Haweenaydan kasoo jeeda Suuriya ayaa imanaysa iyadoo Dowladdu dusha ka saartay Qaraxa Kooxda Dalkaas laga mamnuucay ee PKK.

Qaraxaii shalay ka dhacay Magaalada Istanbul waxaa ku dhintay ugu yaraan 6 ruux halka 81 kale ay ku dhaawacmeen.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.