Wadaad taageersanaa Ururka Al-Shabaab oo laga soo qabtay Ceelasha Biyaha.

Wadaad taageersanaa Ururka Al-Shabaab oo laga soo qabtay Ceelasha Biyaha.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo isniin ah howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ku soo qabtay wadaad la sheegay inuu taageersan yahay fakarka Al- Shabaab.

Howlgalkan waxaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho si gaar ah ugu fuliyay ciidanka  Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka.

Waxa la sheegay in wadadadkan oo lagu magacaabo Mustaf Cali Caanood  , xabsi ay maamusho Nabad sugidda loo gubiyay halkaas oo su’ aalo lagu waydiin doono.

Masjid ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa wadadkan waxa la sheegay inuu ku faafin jiray aragtida ururka Al- Shabaab oo Dowladda Soomqaliya dagaal kala soo horjeeda.

“Laamaha Amniga waxay xabsiga dhigeen Khawaarijkii Takfiiriga ahaa Mustaf Cali Caanood faahfaahin ayaa jiri doonta. Ku Daacdaacsiga dhiigga shacabka waa dhaamaday, waxaana bilaabmay xisaabtan kulul ” sidaas waxa bartiisa Facebook ku sheegay Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Yare Cali.

Wadaadkan ayaa Baraha Bulshada kasoo muuqday isagoo aammaan huwinaya kooxda AS kuna tilmaamaya in ay yihiin Mujaahidiin, dowladdana ku tilmaamaya mushrikiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.