DHACDO Naadir ah : Maxkamadda Jowhar oo dawcad ka socotay oo toogasho ka dhacday

Jowhar ( Raxanreeb ) Laba qof oo la horkeenay Maxkamadda Degmada Jowhar ayaa isla maxkamadda dhexdeeda lagu dilay. Labada qof ayaa ku eedeysnaa dilka wiil afar jir ah.

Waxaa la sheegay Aabbaha wiilka la dilay oo askari ah inuu ku dhax toogtay  labada qof gudaha  maxkamadda magaalada Jowhar.

Wiilka yar ee askariga dhalay ayaaa todobaadyo ka hor lagu dilay magaalada Jowhar , iyadoo maanta loo fadhiyay qaadista kiiska dadka ku eedaysan kuwaas oo lagu dhax toogtay Maxkamada.

Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay mid naadir ah oo sumcad dil ku ah maxkamadda maaddaama maxkamaddu go’aamiso xukunka qofka eedeysanaha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.