Ciidamada XD iyo Malleeshiyaadka Macawisleey ayaa dib ula wareegay Yasooman

Baladweyne (Raxanreeb) — Ciidamada Xoogagga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaannada Hiiraan ayaa saakay dib ula wareegay deegaanka Yasooman oo ay dhowaan la wareegeen Ururka Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa deegaanka kasoo galay dhowr jiho, waxeyna si buuxda ula wareegeen iyadoo aysan xabbad ka dhicin, waxeyna wararku sheegayaan in ay kusii jeedaan tuulada Ceel qooxle oo lagu xusuusto dagaal gacmaha la isla galay, laguna dilay horjoogayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab

Ururka Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta deegaannada Moqokori iyo Yasooman oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kaddib markii ay halkaas iskaga baxeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macwiisleyda loo yaqaanno.

Maalma kahor ayey ahayd markii deegaannada ay hadda dib ula wareegeen Al-shabaab uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Ciidamada ayaa la wareegay maanta deegaankaasi Yasooman oo katirsan deegaannada Gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.