Sambaloolshe ”Beel keliya kuma filna dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab”

Muqdisho (Raxanreeb ) Xildhibaan Cabdullaahi Sambaloolshe hore-na u soo noqday Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda Qaranka ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab uu saaran yahay keliya hal beel oo uu ula jeeday dadka dega gobolka Hiiraan.

Xildhibaanku waxa u sheegay in dagaalka Al- Shabaab keliya aysan ku filnaan beel keliya , loona baahan yahay in si midaysan ay ugu qayb qaataan dhamaan beelaha Soomaaliyeed taas oo uu yiri waxa ay keeni kartaa in Al- Shabaab la jabiyo.

” Aniga waxaan u baahanahay in naga qayb qaato , dagaalka kooxda Al- Shabaab , iyadoo aan loo kala harin waxaan u baahanahay rasaas waxaan u baahahay ciidan ” ayuu yiri xildhibaan Sambaloolshe.

waxa uu tilmaamay in haddii aan laga bilaabi karin dagaalka ka dhanka Al- Shabaab la xoojiyo kan ka socda gobolka Hiiraan oo ah halka uu ka bilowday kacdoonka loogu soo horjeedo Al- Shabaab.

” Anaga dagaalka keligeen ayaan wadna ma rabno in aan joojino waan wadaynaa inta ay gabar naga nooshahay ” ayuu hadalkiisa raaciyay Sambaloolshe.

Waxa uu carabka ku dhuftay in dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab uu yahay mid loo siman yahay oo aan u yeelin Dowlad ama beel gaar ah sidaas daraadeed beelaha dhan uu u jeedinayo baaq ku aaadan jabinta Al- Shabaab.

Hadalkan ayaa imaanaya , ka dib markii degaano – badan oo Hiiraan ah laga saaray Kooxda Al- Shabaab , isla markaana kooxdu shalay qaraxyo waawayn ay ka gaysteen gudaha magaalada Beledwayne kaas oo gaystay dhimasho iyo dhaawac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.