Todobaadkii 2aad oo si sharci-darra ah u xiran yahay Abdalle Muumin

Muqdisho (Raxanreeb ) Xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa todobaadkii labaad waxa uu si sharci darra ah ugu xiran yahay magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya wali  wax faahfaahin ah aysan ka bixin xariga sharci darrada ah ee Xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin.

Xarigga Cabdalla Muumin oo ah mid siyaasadeedaysan ayaa  ujeedkiisu  yahay in lagu aamusiyo warbaahinta madax  banana.

Kiiska Abdalla Axmed Muumin ayaa ah mid abaabulan oo laga leeyahay dano kale oo la doonayo  in lagu caraqaladeeyo xoriyatul-qowlka dalka.

Kiiskan ayaa waxaa si weyn u dhaleeceeyay dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo kooxaha u dooda warbaahinta, kuwaasoo ku baaqay in la laalo eedeymaha loo heysto suxufigan, kahor inta aan la xukumin.

Amnesty International, Human Rights Watch iyo Machadka Caalamiga ah ee Saxafada ayaa sheegay in Cabdalla Muumin uu wajahayo hanjabaado iyo cadaadis joogto ah oo uga imaanayay maamullada Soomaaliya, isagoo u doodayay xuquuqda xoriyadda hadalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.