Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidamo katirsan Asluubta Soomaaliya ayaa saakay xirtay wadada isku xirta Kawaanka malaayga Xamarweyn ilaa dekadda Muqdisho, iyaga oo ka cabanaya mushaar la,aan awgeed.
Ciidamadan ayaa joojiyay isku socodka gaadiidka wadada isku xirta dekadda ilaa iyo kawaanka malaayga oo ay ku yaalan xabsiga dhexe, maxkamadaha dalka iyo xarumo dowladeed oo muhiim ah.
Qaar kamid ah askarta oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay ka gadoodsan yihiin in muddo sannad iyo bar aysan helinwax mushaar ah, isla markaana ay ku shaqeynayaan duruufo adag.
Waxa ay tilmaameen in ay lee yihiin qoysas oo laga sugayo maareentooda, balse aysan wax xuquuq ah dowladda aysan ka helin.
Waxa ay ugu baqeen wasaaradda Cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya iyo taliska ciidanka Asluubta in ay sida uga dhaqsiyaha badan ugu soo jawaaban cabashadooda, isla markaana xuquuqdooda siyaan.
Ma jirto ilaa iyo mas’uul katirsan dowladda Soomaaliya oo ku baxay gadoodka ciidanka Asluubta iyo ka jawaabi doona.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply