Serbia(Raxanreeb ) Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo xiray Qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS, kuwaas oo Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga mahadceliyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya, isla markaana Ciidankan ay ka qeyb qaadanayaan Sugidda Amniga Madaxda Qaranka.
Bratislav Gasić Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan Tababarada Ciidanka Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya kuwaas oo guulo muhiim ah ka gaaray Dagaalka ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya kula jiraan alshabaab.
Leave a Reply