Maxay yihiin ciidanka Dowladda ay gaysay degmooyinka Muqdisho ?

Maxay yihiin ciidanka Dowladda ay gaysay degmooyinka Muqdisho ?

Muqdisho (Raxanreeb) Dowladda Soomaaliya ayaa degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxa ay gaysay ciidamo fara badan kuwaas oo amniga caasimadda sugaya.

Degmooyinka ciidanka dowladda ay gaysay waxaa ka mid ah Karaan , halkaas oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay ka jirto ami darrada caasimadda.

Ciidankan ayaa ahaa kuwo dhawaan tababar loogu soo xiray dalka Uganda kuwaas oo dib ugu soo laabtay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo dadka ku nool qaati ay ka taagan yihiin amni darida.

Dad ku sugan degmada Kaaraan ayaa sheegay in ciidankan si gaar ah loo geeyay xaafadaha dhibaatadu ay ka jirto ee degmada Kaaraan oo maalin cad dadka lagu dhaco waa halka ay ka soo bilowdeen kooxaha cayaal- weerada.

Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Kaaraan ka soo daad – guraysay ciidamo hore u sheegay kuwaas oo la sheegay in ay ku guul- dareysteen wax ka qabashada amniga degmada oo noqotay mid ay ku soo noq- noqdeen dilalka dadka rayidka ah ee degmada ku nool

Dadka degmada ayaa dhawraya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax uga qaban lahayd degmada Kaaraan  ee magaalada Muqdisho , saraakiisha Dowladda wali ma aysan ka hadlin ciidankan cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.