DFS oo Howlgallo Kula Wareegay Tuulooyin Ka Tirsan Sh/ Hoose.

DFS oo Howlgallo Kula Wareegay Tuulooyin Ka Tirsan Sh/ Hoose.

Marka (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helayo kuwa ATMIS ayaa la wareegay degaano hoostaga Degmada Janaalle ee Shabeellaha hoose , halkaas oo ay ku sugnayeen Al- Shabaab.

Howlgal ciidanka ay sameeyeen ayay saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka waxa ay ku sheegeen in si nabad ah ay kula wareegeen deeganadaas.

Waxa howlgalkaan sigaar ah u fuliyay Ururrada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14October ee xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Degmada Janaale ee Shabeellaha Hoose.

” Waxa aan ku guulaysanay in degaanada aan la wareegnay aan ka soo saarno miinooyin Al- Shabaab ay ku aaseen , degaanku hada waa nabad waxaan sugi doonaa amniga dadka iyo degaanka ” sidaas waxaa warbaahinta Dowladda u sheegay Taliyaha Ururka 84-aad, guutada 14-ka October Laba xidigle Cali Mahdi Beerdiide.

Goobaha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegeen ayaa kala Cabananey,Beeraha baay, Siigaale, Malable iyo Buulo Aruundi oo dhamaantood hoostaga deegaanka Janaale ee Shabeellaha Hoose.

Ciidamada xoogga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgallo ka waday gobolka Shabeellaha hoose, waxaana howlgalkii ugu dambeeyay ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.