MUQDISHO : Bajaaj cabanaysa , musuq maasuq jira , nolol sii go’aysa

MUQDISHO : Bajaaj cabanaysa , musuq maasuq jira , nolol sii go’aysa

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa si xowli ah uga soconaya qorshaha ka dhanka ah Wadayaasha Bajaajlayda kuwaas oo markii hore dhibaaooyin ku qabay askarta Dowladda Soomaaliya.

Wadayaasha Bajaajta ayaa loo la  kala qaybiyay A Iyo B taas oo dhanka kale keentay cabasho badan oo ay qabaan wadayaasha Bajaajta magaalada Muqdisho kuwaas oo loo sheegay in laba galin ay shaqayn doonaan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in – talaabadan loo qaaday si  loo kala yareeyo cariiriga ka jira magaalada Muqdisho , laakiin taas bedelkeeda keentay cabasho badan oo ay qabaan Bajaajlayda.

Dowladda Soomaaliya ciidamadeeda ayaa maalmo ka hor kala diray wadayaasha Bajaajta kuwaas oo doonayay in ay dhigaan banaanbax ay ku diidan yahay go’aanka maamulka gobolka  gobolka Banaadir

Waxyaabaha kale ee jira ee badiyay tabashooyinkan ayaa ah qiimaha lacagta lagu buufiyo Bajaajta halkaas oo uu ka  jiro musuq maasuq ,  banaanka soo baxay shalay ilaa iyo  maanta.

Dad badan oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu aad ugu fududaday kala bixinta Mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho oo markii hore dhibaatooyin badan qabay.

Inkastoo si teel- teel ah u dhaqan galyo go’aankan cabashada badan laga qabo , hadana wali waxba lagama qaban dhibaatooyinka iyo cabashada joogta ah ee wadayaasha Bajaajta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.