Abooreey ( Raxanreeb Online) Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan halkaasi oo saaka aroornimadii Ciidamadu ku qaadeen weerar saf ballaaran ah.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa dagaal dhowr jiho ah ku qaaday deegaanka Abooreey, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaaray.
Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay in maydadka Al-shabaab, oo tiro beel ah ay daadsan yihiin gudaha deegaanka sidoo kalana ay qabsadeen hub iyo saanad milatari.
Waxa ayna tilmaameen saraakiisha in kuwooda badbaaday ay duurka u fikadeen halkaasi oo wali lagu sii baacsanaayo xubnihii katirsanaa Shabaab ee baxsaday.
Leave a Reply