Muqdisho ( Raxanreeb ) Meelo badan oo – magaalada Muqdisho caawa waxaa ka socday daawashada cayaaraha koobka Aduunka ee ka socday magaalada Doha ee dalka Qatar.
Goobaha muhiimka ah ee caasimadda ayaa caawa ahaa mashquul , halkaas oo ay isugu yimaadeem dhallinyaro badan kuwaas oo si xamaasadaysan u daawanayay cayaaraha.
Dhallinyarada meelaha ay isugu yimaadeen caawa waxaa ka mid ah maqaayadaha halkaas oo buuq badan uu ka jiray taas oo la xiriirtay daawashada cayaaraha – koobka Aduunka ee caawa la soo gaba- gabeeyay.
Dhallinyarada qaar ee RBC kula kulantay meelaha lagu daawanayay cayaaraha ayaa sheegay in ay ka walwal qabeen amniga caasimadda caawa oo kale hase ahaatee ay muuqanayso in aan xilba la iska saarin.
Falanqeeyayaasha amniga oo la hadlay RBC ayaa sheegaya in dowladda dayac xagga amniga ah ay samaysay caawa oo kale oo ay ahayd sida ay sheegeen in il gaar ah lagu hayo.
Magaalada Muqdisho waa meelaha ugu daran ee suurtagalka ay tahay in waxyaabo badan ay ka dhacaan, waxaana hore u jiray falal amni darro oo ay ka gaysteen magaalada kooxda Al- Shabaab.
Inkastoo si nabad ah dhallinyaradu ay u daawanayeen caawa cayaaraha socday , hadana dhanka Dowladda kama aysan muuqan waxa imaan kara marka ay jiraan xaalad la mid ah tan caawa oo kale.
Leave a Reply