Ciidanka Dowladda oo howlgal wada  & dagaalo  ka socda dalka.

Ciidanka Dowladda oo howlgal wada  & dagaalo  ka socda dalka.

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka   Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo amniga lagu sugayo waxa ay ka wadaan , deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Saraakiisha Dowladda ee hoggaaminaysa howlgalada  ayaa sheegaya in  inta badan ay beegsadeen  goobihii laga saaray kooxda Al- Shabaab ee deegaanada mudug  iyo Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan howlgalada ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga isla markaana ay kaga adkaanayaan kooxda Al- Shabaab.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan sheega in ay fulinayaan howlgal amniga lagu sugayo ilaa iyo hadda ma jirto wax natiijad ah oo la soo bandhigay ilaa iyo hadda.

Goobaha ay ka socdaan howlgalada ayaa  inta badan waxa ka dhaca howlgalada ayaa inta badan waxaa ka dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeya ciidanka Dowladda ee howlgalada wada iyo kooxda Al- Shabaab.

Wararka  ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab  marar badan dagaalo ay ku qaadeen goobo ay ku sugnayeen ciidanka Dowladda Soomaaliya ee koonfurta iyo bartamaha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.