Shirkadaha isgaarsiinta iyo qaar ka mid ah kuwa ganacsi oo la dul dhigay amaro adag

Muqdisho ( Raxanreeb ) Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta u aqriyey Go’aanno adag oo ka soo baxay Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada.

Go’aanadaan ayaa quseeya Xawaaladaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dhulka iyo kuwa isgaarsiinta.

“Dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta waxaa la farayaa in sawir iyo faro ay ka hayaan macaamiilkasta oo cusub ee loo furayo Semikaar, kuwii horena ay diiwangeliyaan”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya  waxa kale oo shirkaha fartay in dhaqdhaqaaqyada maalinlaha ah ee macaamiishooda ee mobillada [EVC/Edahab & iwm] aysan ka badnaan karin $300 (Sedex boqol oo doolar).

Tallaabooyin adag oo ay kamid tahay in hantidooda lala wareego ayaa laga qaadayaa ciddii fulin weysa amarradan ayey tiri DFS.

Leave a Reply

Your email address will not be published.