Muqdisho(Raxanreeb ) Dad badan wadayaasha gadiidka ayaa maanta oo sabti ah xirtay qayb ka mid ah waddada KM4 ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu dil ka dhacay.
Dilkan ayaa loo gaystay mid ka mid ah wadayaasha Gadiidka Xamuulka , kaas oo uu ka danbeeyay askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in marxuumka loo dilay bixinta lacag baad ah darteed, sida u hadalka u dhigeen.
Darawalka gaariga xamuulka ayaana isla goobtaasi ku geeriyooday, askarigii dilka u geestay darawalka ayaa goobta si degdeg ah uga baxsaday.
Wadayaasha qaar ayaa sheegay in ciidanka dowladda maalin kasta si micno darro ah ay u dilaan wadayaasha halka kuwo kale ay ka qaataan lacag sharci darra ah.
Saacado ka dib waxaa si caadi ah ku soo laabtay isu socodka wadada KM4 ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu maanta dilka ka dhacay.
Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa marar badan sidan oo kale waxa ay dil ugu gaysteen magaalada Muqdisho waddayaasha gadiidka noocyadiisa kala duwan.
Leave a Reply