Muqdisho (Raxanreeb) Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo labadiisa ku-xigeen ayaa maanta kulankii ugu horreeyay la qaatay Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Habdhowraha Golaha Shacabka iyo howlwadeennadda Guddiyada iyagoo mid mid u sharraxay shaqada baaxadda leh ay u hayaan Golaha Shacabka BJFS.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa shaqada Guddiga joogtada ah, Guddiyada Golaha Shacabka iyo diyaarinta shuruucda Golaha ee kalfadhiga labaad.
Guddiyadan ayaa dhowaan Aaadan Madoobe uu soo magacaabay ayadoona toddobaadkii hore la ansixiyay guddiyada ayaa halkii guddi ka kooban 15 ilaa 20 xildhibaan.
Leave a Reply