Dagaal ka dhacay laascanood , rejo badan oo aan laga qabin xabad joojin

Dagaal ka dhacay laascanood , rejo badan oo aan laga qabin xabad joojin

Laascanood (Raxanreeb ) Dagaal u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay duleedka magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ciidamada milatariga Somaliland ay weerar ku billowday madaafiic ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Ma jiro wax wae ah oo ka baxay ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka ee mudada dheer ku dagaalamaya duleedka magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Saraakiil katirsan SSC ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar gaadmo ah oo ciidamada Somaliland kasoo qaadeen dhinaca galbeed.

Dagaalkan cusub ee haatan dib u qarxay, ayaa sii fogeynaya xaaladda iyo rajadii laga qabay inay wadahadlaan madaxda Somaliland iyo odayaasha dhaqanka ee SSC

Odayaashii iyo waxgaradkii ka tagay magaalada Muqdisho ee  ku howlanaa dhax dhaxaadinta dhinacyada dagaalamaya ayaa wali ku guulaysan in wax xal ah ka  garaan xaalada magaalada Laascanood oo noqotay ubuc dagaal.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa daganayd xaaladda magaalada laascaanood, marka laga reebo madaafiic dhinacyadu isku adeegsanayeen oo ku dhacayay magaalada gudaheeda iyo hareeraheeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.