Dalalka  deriska oo Muqdisho ku kulmaya & waxa ay diirada saarayaan

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Talaada ah waxa magaalada Muqdisho lagu qabanayaa shir ay ka qayb galayaan madaxda dalalka deriska , sida Kenya Jabuuti, Itoobiya.

Shirkan oo caasimadda  ka dhacaya waxa uu socon doonaa muddo  laba maalina ah waxaana inta badan ka qayb – galaya Wasiiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore.

Ka dib shirka maanta waxaa lagu wadaa in ay ku soo biiraan madax kale oo ka socda wadamada safka hore ee deriska la ah Soomaaliya kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee ka socda dalka.

Shirkan oo lagu gorfeynayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin Al-Shabaab isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore.

Ammaanka  magaalada Muqdisho ayaa  aad loo adkeeyay waddooyinka qaarna waxaa la dhigay ciidamo – fara badan kuwaas oo  dadka iyo gadiidka meelaha qaar u diidaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.