GARISSA : Shabaaab & Ciidanka Kenya oo ku dagaalamay & khasaaraha jira

GARISSA : Shabaaab & Ciidanka Kenya oo ku dagaalamay & khasaaraha jira

Garissa (Raxanreeb ) Ciidanka amniga Kenya iyo koox la aamisan  yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al- Shabaab ayaa ka dhacay magaalada Garissa ee Waqooyi Bari dalka Kenya.

Sida wararka ay sheegayaan dagaalkan ayaa ku – bilowday qarxyo waxaana xigay dagaal toos ah oo dhaxmaray labada dhinac ee kooxda Al- Shabaab iyo ciidanka amniga Kenya.

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in weerarkaas muddo kooban ay ku soo afjareen isla markaana ay dileen xubno ka mid ah kooxda weerarka soo qaaday oo u badnaa maleeshiyaadka Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxda Al- Shabaab weerar gaadma ah ay ku qaadeen kolonyo ciidanka amniga Kenya oo ku sii jeeday magaalada Garissa ee Waqooyi – Bari Kenya.

Al-Shabaab oo war qoraal soo saartay ayaa iyadu sheegtay inay dagaalkaasi ku gubtay gaari ay leeyihiin ciidamada Kenya, balse ma shaacin khasaare kale.

Kenya ayaa sheegtay in xoogga ay saari doonto wax ka qabashada falalka amni darro ee kooxda Al- Shabaab ay ka gaysanayaan deegaano ka mid ah waqooyi  Bari Kenya oo soo noq noqday.

Kenya ayaa maalmo ka hor ciidamo  fara badan oo suga amniga soo dhoobtay xadka ay wadaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya , waxaana iyadoo taas ay jirto waxaa halkaas ka dhaca weeraro kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.