Danjire Axmed Ciise ‘’DENI Colaad buu ka hurinayaa Puntland”

Danjire Axmed Ciise ‘’DENI Colaad buu ka hurinayaa Puntland”

Garoowe (Raxanreeb ) Deegaano ka mid ah maamul goboleedka Puntland waxaa ka jira is qab qabsiga ku saabsan mudada Guddiga doorashada Puntland uu sheegay in la qabanayo doorashada taa soo siyaasiin badan ay u arkaan muddo kordhin loo sameeyay Saciid Cabdulaahi Deni.

Siyaasi Axmed Ciise Cawad oo wareysi kooban bixiyay ayaa dastuur-jebin iyo sharci-darro ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Sidoo kale waxa uu ka horyimid  islamarkaana waxba kama jiraan ku sifeeyay mudda kordhintii uu guddiga doorashada Puntland ee PEC u sameeyay dowladda.

“Guddiga PEC waxba uma kordhin karaan dowladda waa sharci-darro iyaguna waxay ku dhisan yihiin sharci-darro. Siciid Deni waxa uu maamulayo oo dhan baa sharci-darro ah oo dastuurkii ayuu jebiyay” ayuu yiri Cawad.

Danjire Axmed Ciise oo ka jawaab-celiyay khudbaddii uu maalin ka hor jeediyay madaxweyne Deni ayaa ku tilmaamay mid xambaarsanayd baaq colaadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.