DEG-DEG : Queen Elizabeth II oo geeriyootay

London (Raxanreeb ) Boqorada Dalka Ingiriiska oo tan iyo galabta xaaladeeda ay aad u liidatay ayaa ugu danbeyn la xaqiijiyay in ay geeriyootay.

Goor sii horeysay oo maanta ah ayaa Queen Elezabeth la dhigay isbitaal waxaana dhaqaatiirtu ay sheegeen maanta in il gaar ah loo lahaado xaaladeeda , taas oo ka dhignayd in ay aad u darnayd.

Arbacadii boqoradda ayaa lagu qasbay in ay baajiso kulan muuqaal ah oo ay la yeellan laheed wasiirada sarsare kadib markii ay dhaqaatiirtu ku taliyeen in ay nasato.

Wiilka ugu weyn carruurteeda, Charles oo ah 73 jir, ayaa deg deg u noqonaya boqorka, sida ku cad xeerka qarniyada soo jiray ee boqortooyada

Queen Elizabeth ayaa aheyd boqorad tan iyo 1952-kii, markaasi oo ay beddeshay aabaheed Boqor George, waxayna xilka boqortooyada haysay 70 sano.

Elizabeth, oo ah 96 jir, ayaa waxaa tan iyo bishii October ee sanadkii tegay haystay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhigay inay ku dhibtooto inay istaagto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.