DEG-DEG : Ciidanka Dowladda oo la wareegay Xarardheere

DEG-DEG : Ciidanka Dowladda oo la wareegay Xarardheere

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay la wareegeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgal qorshaysan ayaa ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha kacdoonka waxa ay kula wareegeen degmada Xarardheer.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa bogiisa Facebook ku daabacay warka ku saabsan in lala wareegay  Xarardheere halkaas oo kooxda Al- Shabaab muddo fariisimo ay ahayd.

Ma jirin iska hor imaad toos ah oo degmada Xarardheere ku dhaxmaray labada dhinac ee Dowladda  Federaalka iyo kooxaha deegaanka oo isku dhinac ah iyo kooxda Al- Shabaab , hase ahaatee culays kooxda uu ka soo fuulay ciidanka huwanya ay isaga baxeen degmada .

War Rays TV uu ka helayo  degmada Xarardheere ayaa sheegaya in ciidanka  Danab  gudaha ay u galeen degmada halka Gorgor iyo kuwa deegaanka ay ku sugan yihiin afka hore ee degmada Xarardheere

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ka hor inta kooxda Al- Shabaab ka bixin degmada Xarardheere ay sumeeyeen Ceelasha Biyaha degaanka , waxaana gudaha degmada ka socda howlgal miina – baaris  ah.

Madaxwaynaha  Galmudug ayaa  goor sii horeysay oo  sheegay in cagta la marin doono kooxda Al- Shabaab , isla markaana  u ogolaan doonin  in  Shabaab ay ku sii sugnaadaan taako ka mid ah degaanada Galmudug.

Dagmada xaradheere waa dagmo taariikhi ah oo aad u fac wayn waa magaalo xeebeed dhacda gobolka mudug . muddo ku dhow 15 sanno ah waxa maamulayay kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.