MD Xasan  oo gaaray BAYDHABO & war cusub oo ku soo kordhay shirka KGS.

MD Xasan  oo gaaray BAYDHABO & war cusub oo ku soo kordhay shirka KGS.

Baydhabo (Raxanreeb ) Madaxweynaha JFS ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay halkaas oo lagu wado inuu ka furmo shirka dib u heshiisiinta Koofur galbeed.

Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koofurgalbeed Mudane Cabdicasiis Maxamad Laftagareen iyo masuuliyiin katirsan maamulkaasi.

Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay , waxaa ka soconaya – qaban qaabada shirka dib  heshiisiinta Koonfur Galbeed , kaas oo ujeedkiisu yahay dhamaynta khilaafka siyaasadeed.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sheegay in Lafta-gareen uusan metelin reer K/ Galbeed, waxayna horay u sheegeen inuu yahay dambiile gacan ku dhiigle ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.