DEG-DEG: Kooxo Hubaysan oo Lagu Soo Warramay inay Galeen Magaalada Marka

DEG-DEG: Kooxo Hubaysan oo Lagu Soo Warramay inay Galeen Magaalada Marka

Marka (Raxanreeb Online): Wararka laga helayo magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubaysan oo dhawaan ku dhawaaqay maamul ay ugu yeereen Koonfur-bari Soomaaliya ay gudaha magaalada soo galeen.

Kooxahan ayaa la sheegay inay magaalada ka taageen calankooda, iyagoo ku dhawaaqay in aysan ka tirsanayn Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay gobolka Shabeellaha Hoose ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni, iyadoo kooxdan cusub ay sheegtay inay leedahay maamul u gaar ah oo ka duwan Koonfur Galbeed.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo xaqiijinaya cidda sida rasmi ah u maamusha magaalada Marka ama faahfaahinta ku saabsan ciidamada la sheegay inay gudaha u galeen magaalada.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa la sugayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.