Deni: “Si Adag Ayaan Ula Dagaallamaynaa Burcad-badeedda”

Deni: “Si Adag Ayaan Ula Dagaallamaynaa Burcad-badeedda”

Gaalkacyo (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland ay si adag ula dagaallami doonto burcad-badeedda, isagoo tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah kooxahaasi uu noqonayo mudnaanta koowaad ee maamulka.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay hadda xoogga saari doonto la-dagaallanka burcad-badeedda, isla markaana ay qaadi doonto tallaabooyin lagu wiiqayo awooddooda iyo dhaqdhaqaaqyadooda xeebaha.

“Waxaan si adag ula dagaallamaynaa burcad-badeedda, iyaga ayaan hadda u jeensanaynaa oo ku qaadaynaa dagaalka u horreeya,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xeebaha Puntland laga soo sheegay dhaqdhaqaaqyo burcad-badeednimo iyo afduubyo maraakiib, iyadoo dhowr markab lagu soo warramay inay ku sugan yihiin xeebaha Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa horey u sheegay in amniga xeebaha iyo la-dagaallanka burcad-badeednimadu ay yihiin arrimo u baahan iskaashi iyo isku-duwid si loo xaqiijiyo badqabka dadka iyo maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.