Washington (Raxanreeb Online): Garsoore ka tirsan Maxkamadda Degmada Federaalka ee Manhattan, Jeannette A. Vargas, ayaa 21-kii Agoosto 2026 meesha ka saartay siyaasaddii maamulka Madaxweyne Donald Trump ee hakisay bixinta fiisooyinka socdaalka (immigrant visas) ee muwaadiniinta 75 dal, oo ay Soomaaliya kamid tahay.
Garsooraha ayaa go’aamisay in siyaasaddaasi ay ahayd mid ka hor imaanaysa sharciga, isla markaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio uu ka tallaabay awooddii sharciga ahayd ee uu ku lahaa arrintaas.
Hakinta ayaa la dhaqan geliyay bishii Janaayo 2026, iyadoo Dowladda Mareykanku ku doodday in dadka ka imanaya dalalkaas ay u badan tahay inay ku tiirsanaadaan adeegyada bulshada. Soomaaliya waxay kamid ahayd 75-ka dal ee lagu daray liiska.
Go’aanka cusub wuxuu sidoo kale saameynayaa diidmooyin fiiso oo lagu saleeyay siyaasaddaas oo keliya, kuwaas oo maxkamaddu amartay in dib loo eego iyadoo kiis kasta si gaar ah loo qiimeynayo.
Hase yeeshee, tani macnaheedu ma aha in Soomaalidu si toos ah hadda ugu safri karaan Mareykanka. Qof kasta oo doonaya inuu galo Mareykanka weli wuxuu u baahan yahay inuu buuxiyo shuruudaha fiisaha iyo socdaalka ee khuseeya xaaladdiisa.
Sidoo kale, dowladda Mareykanka waxay awood u leedahay inay racfaan ka qaadato go’aanka maxkamadda, sidaas darteed xaaladda sharciyeed way is beddeli kartaa.
Qodob muhiim ah: Warka ku saabsan garsoorihii kubadda cagta Soomaaliyeed Cumar Cartan iyo in hadda uu si toos ah u safri karo Mareykanka kama dhalanayo go’aankan keliya; qof kasta xaaladdiisa fiiso ayaa si gaar ah loo qiimeeyaa.

Leave a Reply