Gaalkacyo (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in shacabka Gobolka Mudug ay door weyn ku leeyihiin dhismaha iyo dowladnimada Puntland, isla markaana ay mudan yihiin in loo abaalgudo kaalintii ay soo qaateen.
Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in shacabka Mudug ay wax badan geliyeen dowladnimada, isagoo sheegay in gobolka uu leeyahay muhiimad gaar ah oo siyaasadeed iyo bulsho.
“Gobolka Mudug waan u abaal-gudayaa, dadkiisu wax badan ayey gashadeen dowladnimada, waxay u qalmaan laba gobol iyo ka badan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Hadalkan ayaa yimid xilli Madaxweyne Deni uu ku sugnaa gobolka Mudug, halkaas oo uu kulamo iyo kormeerro kala duwan kula yeeshay qeybaha bulshada iyo saraakiisha Dowladda Puntland.

Leave a Reply