Maamulka Hirshabelle oo Xaqiijisay Qabashada Magaalada Cali Gaduud

Hir-shabeelle ( Raxanreeb Online) Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Hirshabelle ayaa hambalyo u dirtay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka oo maanta si buuxda ula wareegay magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib dagaal culus oo ay la galeen kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ay muujiyeen halgan naf-hurnimo leh oo horseeday in cadowga laga sifeeyo magaaladaas muhiimka ah. Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan ay ka mid tahay qorshaha ballaaran ee lagu xoreynayo deegaannada ku jira gacanta kooxda Al-shabaab.

“Waxaan hambalyeynaynaa guusha ciidamadeenna geesiyaasha ah ee dib u xoreeyay Masaajid Cali Gaduud. Waa tallaabo horleh oo lagu xaqiijinayo amniga gobolka iyo deegaannada ku xeeran,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maamulka Hirshabelle ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka deegaanka inay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo sugo xasilloonida, loona xaqiijiyo horumar waara.

Leave a Reply

Your email address will not be published.