DEG-DEG : Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho + Xaaladda

Muqdisho ( Raxanreeb ) Qarax culus ayaa lagu soo waramayaa in goordhaw uu ka dhacay  degaanka Ceelasha Biyaha  ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dad ku sugan Ceelasha ayaa sheegay in qaraxa ka dib la maqlayo dhawaqa rasaas ay ridayaan askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Faafaahin dheeri ah weli lama helin khasaaraha ka dhashay qaraxa , waxaana la xiray goobo badan oo ganaci oo ka ag dhawaa halka jugta ay ka dhacday.

Deegaanka Ceelasha biyaha waxaa habeenadii la soo dhaafay ka socday howlgal ciidanka Dowladda ay ku doonayaan in amniga ay ku sugaan.

Wixii ku soo kordha kala soco.
Www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.