XOG : Halkee kala marayaan laftagareen & ciidanka qoorta ugu jira ?

Baydhabo ( Raxanreeb ) Ciidanka amniga koonfur – galbeed ayaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ka wada howlgal ay wax kaga qabanayaan xaaladda magaalada.

Dhawr jiho oo ah magaalada Baydhabo waxaa ka soconaya dadaalo maamulka uu ku doonayo inuu wax kaga qabto ciidan la sheegay in ay ka soo baxeen furumaha kuwaas oo diidan muddo kordhin uu samaysto Cabdicasiis Laftagareen.

Warar aan la helnay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay jiraan askar loo xiray ku lug lahaanshaha falal la sheegay inuusa jaclaysan maamulka hadda jira kaas oo lagu eedeynayo xukun isku dhejin.

Aaga- Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah meelaha xoogga maamulka uu saaray si looga hortago suurtagalnimada in magaalada ay ka dhacaan rabashado ka dhan ah Cabdicasiis Laftagareen.

Baraha bulshada waxaa la soo dhigay muuqalo maleeshiyaad la sheegay in ay yihiin badbaado koonfur galbeed kuwaas oo diidan sanadka dheeraad ah ee xukunka .

Saraakiisha daacada u ah madaxwaynaha koonfur galbeed ayaa ku hanjabaya in talaabo laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda in ay qalqal galiso xaaladda deegaanada maamulka koonfur galbeed , taas oo keentay in la xiro xubno diiday muddo kordhinta.

Madaxwaynaha koonfur galbeed ayaa kol hore sheegay in waqtiga ay kordhiyeen xildhibaanada Barlamaanka maamulkaas oo la is waafajiyay labada doorasho ee Madaxwaynaha iyo tan Barlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.