Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaraxii seddaxaad uu markale ka dhacay magaaladaas.
Wararka RBC uu ka helayo magaalada Belewayne ayaa sheegaya in haatan rasaas xoog leh ay dhacayso, waxaana rasaastaas dhacaysa la soo sheegaya in ay tahay mid labo dhinac ah oo lays weedaarsanayo.
Si kasta qaraxa seddaxaad ee laga maqlayo magaalada Beledwayne ayaa imaanaya waxyar uun ka dib markii magaaladaas ay ka dhaceen laba qarax oo waa wayn oo loo adeegsaday laba gaari oo ah kuwa xamuulka qaada.
Al- Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarada ka dhacay maanta xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee lama- galaay halkaas oo ay ku dhinteen masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, waxaana afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay inay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.
Beledweyne waxay xuddun u ahayd abaabulka dadka degaanka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ciidanka dawladda iyo maleeshiyaadka degaankaas tuulooyin badan uga qabsadeen Al-Shabaab.
Wixii ku soo kordha kala soco.
www.raxanreeb.com
Leave a Reply