Wararkii ugu danbeeyay qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay Beledwayne

Beledwayne (Raxanreeb ) Magaalada Beledwayne ee  gobolka Hiiraan  maanta oo Isniin ah waxa ay marti- galisay qaraxyo waa wayn  kuwaas oo lagu soo raray gawaarida qaada xamuulka .

Qaraxyada maanta ka dhacay magaalada Beledwayne waxaa ku geeriyooday masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka  Hirshabeelle sida RBC ay ogaatay.

Labada qarax ee maanta ka dhacay Beledwayne waxa ay ka dhaceen xerada lama – galaay halkaas oo ay gudaha u galeen gawaarida lagu soo xiray qaraxyada kuwaas oo gaystay khasaaraha ugu badan.

Qaraxa seddaxaad ayaa wararku  waxa ay sheegayaan inuu ka dhacay dhabarka dambe ee saldhigga booliska magaalada Beledweyne, welina ma cadda khasaaraha ka dhashay waxaana la sheegay inuu ahaa  mid aad u xooggan.

Qaraxa ka ddib ayaa la maqlay rasaas xooggan oo ka dhacday aaga saldhiga, lamana oga rasaasta in ay tahay mid ay ridayaan ciidamada ammaanka ee halkaasi jooga iyo in ay tahay iska hor imaad toos ah.

Dadka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Sakariye Hure iyo Gudoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadeey.

Waxa sidoo kale ku dhintay qaraxyada xildhibaan Geelle Isxaaq oo ka mid xildhibaanada maamulak  Hirshabeelle waxaana ku jira dadka dhaawacmay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Hir-Shabeelle Axmed Dirir & Guddoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire Colaad.

 Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, waxaana afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay inay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.

Beledweyne waxay xuddun u ahayd abaabulka dadka degaanka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ciidanka dawladda iyo maleeshiyaadka degaankaas tuulooyin badan uga qabsadeen Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.