Khasaaraha ka dhashay qaraxyada Beledwayne oo kordhay.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyada Beledwayne oo kordhay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray xerada Lamagalaay oo hadda xarun madaxtooyo u ah maamul goboleedka Hirshabelle.

Sida laga soo xigtay dad goobjoog ah labo baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray xerada lama galaay oo ku taala bartamaha Beledweyne.

Dadka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Sakariye Hure iyo Gudoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadeey, waxaana ku dhaawacmay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Hir-Shabeelle Axmed Dirir & Guddoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire Colaad.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxyada ay sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Saraakiil katirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo dad Shacab ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Amniga Beledweyne oo goobta ay qaraxyadaasi ka dhaceen ayaa xiray wadooyinka soo gala, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, waxaana afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay inay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.

Beledweyne waxay xuddun u ahayd abaabulka dadka degaanka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ciidanka dawladda iyo maleeshiyaadka degaankaas tuulooyin badan uga qabsadeen Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.