DEG -DEG : Qaraxyo ka dhacay magaalada Beledwayne ee Hiiraan

DEG -DEG : Qaraxyo ka dhacay magaalada  Beledwayne ee Hiiraan

Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in – halkaas ay ka dhaceen qaraxyo – waawayn ay ka dhaceen.

Weriyayaal ku sugan Beledwayne ayaa goor dhow RBC u sheegay in laba qarax ay ka kala dhaceen gudaha iyo banaanka xarunta gobolka Hiiraan.

Midka kowaad ayaa ka dhacay banaanka xarunta gobolka halka kan labaadna uu ka dhacay – gudaha halkaas oo masuuliyiin la sheegay in ay ku sugnayeen.
Laba gaari ayaa loo adeegsaday qaraxyada goor dhaw ka dhacay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Ilaa iyo hadda la sheegin halka uu gaarsiisan yahay khasaaraha labada qarax , maadama goor dhaw uun ay dhaceen , sida ay inoo sheegeen weriyayaal ku sugan Beledwayne.

Al- Shabaab ayaa u muuqda in markii laga riixay deegaanada gobolka Hiiraan oo kacdoon uu kaga furan yahay in ay bilaabeen in gudaha magaalooyinka ay ka gaystaan qaraxyo , taas oo in muddo ahba laga digayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.