Shaki – ku gadaaman duqeynta lagu dilay wiil uu dhalay Xasan Daahir

Shaki – ku gadaaman duqeynta lagu dilay wiil uu dhalay Xasan Daahir

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya , in kasto war aysan ka soo saarin beegsiga loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha la hayn wiilka uu dhalay Xasan Daahir Aweys oo ah maxbuus u xiran Dowladda ayaa hadana waxaa soo baxaya tuhun ku saabsan sida ay ku timid geeridiisa.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in wiilka Xasan Daahir Ibraahim Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa Macallin  Jaamacadeed uu gaariga la saarnaa sarkaal aad loo doon- doonayay oo madaxiisa  balaayiin lacag ah saarnaa kaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir. kaas oo  duqeyn lagu dilay.

Dowladd Soomaaliya ma aysan ka helin dhimashada wiilka Xasan Daahir Aways  , taas bedelkeeda waxa ay si faahfaahsan uga hadashay dilka sarkaalkan lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir.oo ka dhacay deegaanka Xaramka ee u dhaw degmada Jilib ee gobolka Jubbadda  Dhexe.

Goor sii horeysay waxaa – soo baxayay warar ku saabsan in wiilka Xasan Daahir Ibraahim Sheekh Xasan Daahir Aweys  u ku dhintay duqeyn isaga oo ku sugnaa beertiisa , hase ahaatee waxaa saacadihii la soo dhaafay xoogaysanayay in Gaariga uu la saarnaa – sarkaalkan aadka loo  doon- doonayay.

Aabihii Xasan Daahir Aways oo Maxabuus ah laakiin loo ogol yahay adeegsiga baraha bulshada ayaa xaqiijiyay geerida wiilkiisa , hase ahaatee isagana ma uusan faahfaahin shakiga ku gadaaman , tuhunka loo lala xiriirinayo oo ah in hal gaari ay wada saarnayeen sarkaalka la dilay

Ilaa hadda ma jirto cid sheegi karta in Ibraahim Xasan Daahir uu xiriir la lahaa Al-Shabaab iyo in kale, dhanka Dowladda Federaalka ma aysan ka hadlin dhimashadiisa iyo sida uu u dhacay.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa  mar ka mid ahaa raga ugu saameynta badan Al-Shabaab  waxaana uu hadda  u xiran dowladda Federaalka Soomaaliya , isagoo hadda aad u dhaliila ficilada kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.