MUQDISHO : Guryo ay deganayeen Al- Shabaab oo gudaha loo galay .

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Nabad sugidda Dowladda Federaalka ayaa howlgal la sheegay in amniga lagu sugayo waxa ay ka fuliyeen degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir sida ay sheegeeb xubno ka tirsan Dowladda.

Degmooyinka Yaqshiid, Huriwaa iyo Hodan ayaa ciidanka Hay’adda Nabad sugida waxa ay sheegeen in gudaha ay u galeen guryo ay deganayeen koox ka mid ah Al- Shabaab.

Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda ayaa sheegtay in guryaha lala wareegay ay gaarayaan ilaa shan guri oo la helay in ay deganayeen kooxda Al- Shabaab.

Waxa ay sheegeen saraakiisha Hay’adda Nabad sugida in ay la wareegeen guryaha ay deganayeen kooxdan ka tirsan Al- Shabaab sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa la sheegay in sidoo kale gacanta Hay’adda Nabad sugida – gacanta ay ku soo dhigtay xubno ka mid ah Al- Shabaab oo ku dhuumaalaysanayay magaalada Muqdisho kuwaas oo la sheegay in ay damacsanayeen in qaraxyo ay ka gaystaan caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.