Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Sabti ah xilalka ka qaaday qaar ka mid ah Guddoomiyahaasha degmooyinka gobolka Banaadir halka kuwe kalena uu magaaabay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaalle Madaale ayaa xilka qaadis ku sameeyey illaa saddex guddoomiye, kuwaas oo kala joogay degmooyinka Boondheere, Waabari iyo Hodan, waxaana loo magacaabay:-
Guddoomiyaasha la magacaabay waxa ka mid ah :
1-Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Boondheere, ayada oo xilkaas laga qaaday Marwo Seynab Yuusuf Wehliye.
2-Maxamed Sayid Cali ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Waabari, ayada oo xilkaas laga qaaday Sugaal Cali Ayaanle.
3-Cali Axmed Faarax ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan, ayada oo xilkaas laga qaaday Cabdifitaax Xayir Ciise.
Leave a Reply