Degmada Xudur oo go’ doonsan oo dagaal uu ka dhacay

Degmada Xudur oo go’ doonsan oo dagaal uu ka dhacay

Xudur (Raxanreeb ) Ciidanka maamulka koonfur Galbeef iyo kuwa Al- Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in dagaal uu ku dhaxmaray degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Koonfur Galbeed ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.

Maamulka Degmada Xudur ayaa sheegay in ciidanka ay iska difaaceen kooxda weerarka ku soo qaaday Al- Shabaab isla markaana ay ka dileen xubno , iyaga ka mid ahaa.

Dad ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac ee Al- Shabab iyo kooxda Al- Shabaab.

Lama oga ilaa iyo hadda wax khasaaraha oo ka dhashay dagaalkaad marka laba reebo sheegashada labada dhinac.

Degmada Xudur ee gobolka Bakool  sanad ayay waxa ay ka go’ doonsan tahay deegaanada kale ee maamulka koonfur galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.