MUQDISHO : khadro Omar Dhuule oo geeriyootay “waxay ahayd dhalfanaan”

MUQDISHO : khadro Omar Dhuule oo geeriyootay “waxay ahayd dhalfanaan”

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada ay dagan yihiin fannaaniinta iyo abwaanada ee Ex Fiyoore ee degmada Wartanabadda waxa xaley ku geeriyootay fannaanadda Khadra Cumar Dhuule.

Khadro ayaa ka mid ahayd gabdhaha fannaaniinta ee aad loo jeclaa heesahooda ee ka tirsanaa hobolada Waaberi.

Sidoo kale Khadra ayaa waxaa aabbe u ahaa fannaankii weynaa ee Cumar Dhuule allaha naxariistee.

Geerida Khadro waxaa ka tacsiyadeeyay dhamaan bahda fanka Soomaaliyeed kuwaas oo sheegay in ay ahayd fanaan kaalin ku lahaa fanka.

AUN Khadra intii ay noolayd waxa ay si aad ah uga dhax muuqtay fanka Soomaalida .

Leave a Reply

Your email address will not be published.