Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa markii ugu horetsay waxa uu tahay deegaanka Xaafuun ka dib safari uu hore ugu tagay deegaanka Caluula.
Safarka saciid Cabdullaahi Deni ayaa ujeedkiisa lagu sheegay in Madaxwaynaha maamulkaas uu doonayo in dadka deegaankaas uu kala hadlo arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Puntland.
Sidoo kale Madaxwaynaha Puntland ayaa u koorgali doona sida wararka ay sheegayaan xaalada deegaanada Xaafuun iyo deegaanada kale ee ku dhaw dhaw.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Xaafuun kusoo dhoweeyay, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Xaafuun.
Madaxwaynaha Puntland ayaa socdaalkiisa siyaabo kala duwan waxa uga hadlay qaar ka mid ah siyaasiinta maamulkaas , maadama uu ku soo aaday waqti doorashooyinka laga soo horjeestay.
Leave a Reply