DABAGAL : khasaaraha ka dhashay qaraxyo ka dhacay Buulaburde & Jalalaqsi.

DABAGAL : khasaaraha ka dhashay  qaraxyo ka dhacay Buulaburde & Jalalaqsi.

Buulaburde ( Raxanreeb ) Wararka naga soo garaya gobolka Hiiran ayaa sheegaya in hal qof uu ku geeriyooday 4 kalane wey ku dhawacmeen kadib labo qarax oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Goobjooga  ku sugan Jalalaqsi ayaa sheegay in qaraxa hore uu ka dhacay barkoontorool oo ku taal afaafka hore ee buundada Jalalaqsi, halka mika kale uu ka dhacay banaanka magaalada kadib markii ay Ciidamada rasaaseen.

Maamulka magaalada  Beledwayne ee gobolka Hiiraan wali wax war ah ma uusan ka soo saarin qaraxyadan maanta ka dhacay degmooyinka Buulaburde iyo Jalalaqsi.

Xaalada magaalooyinkaasi ayaa kacsan waxaana la maqliyaa dhawaqa rasas aad u culus.

Wixii ku soo kordha kala soco
Www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.