Minneapolis(Raxanreeb ) Dhowaanahan waxaa amni-xumo laga dareemayay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee Mareykanka, gaar ahaan aagagga ay Soomaalidu ku badan tahay.
Dhacdadii ugu dambeysay waxa ay is-rasaaseyn ku dhex martay agagaarka suuqa 24-ka dhallinyaro Soomaali ah.
Jamaal Cusmaan oo xubin ka ah golaha deegaanka magaalada Minneapolis oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in dhacdadii ugu dambeysay ay ka dhacday agagaarka suuqa 24-ka, taasi oo lagu rasaaseeyay wiil dhalinyaro Soomaali ah.
“Arrinta dhacday waxay aheyd dad dhalinyaro ah oo hub iska wata ayaa dadka baaranaya oo dariiqa u istaagaya, Wiil Soomaali ah oo meesha marayay ayaa damcay in gaarigiisa laga xado wuxuu isku dhajiyay furihii markaasay xabado ku fureen,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay Mr Jamaal in dhacdooyinka sidan oo kale ah magaalooyinka Soomaalida ee dalka Mareynkanka ay ku soo noq noqotay.
Leave a Reply