Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa suurtagal ah inaad dhowr jeer aragtay dukaankii ama goobtii ganacsi ee aad macaamiilka u aheyd oo la xiray (ama burburay). Kadib, waxaa dhacda inaad iswaydiisid sababta loo xiray ganacsigaas.
Arimo badan ayaa sabab u noqon kara burburka ganacsiyada ka jira Soomaaliya. Hasa-yeeshee, qormadaan kooban waxaan ku eegayaa oo kaliya mid ka mid ah sababaha ugu muhimsan ee keena burburka ganacsiyada, kaas oo ah qiimaha ay shirkadaha ku iibiyaan alaabtooda iyo adeegyada.
Jaangooynta qiimaha alaabaha ama adeegyada waxaa saldhig u ah dhowr arimood oo ay ugu muhimsanyihiin qiimaha suuqa, qarashkii galay alaabta, iyo qorshaha suuq geynta ee shirkadda.
Intaas waxaa soo raacaya qodob kale oo aad muhim u ah, kaas oo inta badan shirkadaha ama ganacsatada aysan ku baraarugsanayn ahmiyadda uu leeyahay. Qodobkaas waxaa weeye dakhliga dadka ku nool Soomaaliya. Dakhliga dadka waxa uu ka tarjumayaa awoodda wax iibsashada ee macaamiisha.
Tusaale, marka aad eegtid qiimaha lagu iibinayo alaabaha yaala magaalada Muqdishu waxaa kusoo baxaya in aan la tixgelin heerka uu la egyahay dakhliga dadka ku nool magaalada. Arintaas waxay keentay in magaalada Muqdishu ay noqoto meel aad qaali u ah marka loo barbardhigo wadamada deriska iyo kuwa kale iyo sidoo kale awoodda wax iibsashada dadka.
Qiimaha aan lagu sallayn dakhliga dadka waxaa ka dhashay in dadka badankood aysan gadan karin alaabtaas, taasi oo keeni karta yaraanta dakhliga iibka ee shirkadda. Haddii uu yaraado dakhliga shirkadda waxaa dhacaysa in la bixin waayo qarashaadka maalin laha ah ee shirkadda, ijaarka iyo mushaarka shaqaalaha. Ugu dambayntiina, waxaa qasab noqonaysa in la xiro ganacsigaas.
Sidaas darteed, waxaan usoo jeedinayaa ganacsatada in ay ku jaangooyaan qiimaha alaabtooda iyo adeegyadooda dakhliga macaamiishooda iyo heerka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya. Waxaan kaloo soo jeedinayaa in laga dhimo ganancsatada qarashaadka dheeraad ah ee uga baxa ganacsigooda.
Mahadsanid.
Dr Khadar Ahmed Jaamac.
Leave a Reply