DHEGO-FUREYSI : Xabad joojin ka dhalan gali la’ laascanood

DHEGO-FUREYSI : Xabad joojin ka dhalan gali la’ laascanood

Laascanood (Raxanreeb) 15 – maalin ayuu galay dagaalka ka socda magaaalda Laascanood , waxaa wali dhaqan gal noqon xabad joojin la doonayay in xiisada lagu dejiyo .

Labada dhinac ee dagaalka uu u dhaxeeyo ee Somaliland iyo kooxaha deegaanka ayaa midba mid kale ku eedaynayo in isaga dhankiisa ay ka dhaqan gali la’adahay xabad joojinta.

Sidoo kale dagaalka labada dhinac ka sokow waxaa barbar socota duqeyn xooggan oo ay ciidmada Somaliland la beegsanayaan Xaafadaha qaar ee magaalada.

Magaalada inta badan waxaa isaga tagay qoysaska waxaana meelaha qaar inta badan isaga hor yimaada kooxaha kacdoonka iyo ciidanka Somaliland , taa soo ka dhalatay waxyeelada dadka rayidka.

Baaqyo kala duwan oo la xiriira joojinta dagaalka oo ka kala yimid Dowladda Federaalka, dhaqanka, Culimada, Qaramada Midoobay ayaa dhaqan gal noqon oo u muuqda in dhagaha laga furaystay.

Iyadoo baaqyada ay isa soo tarayaan ayaa hadana waxaa magaalada ka dhaqan gali la’a xabad joojin si loo badbaadiyo dadka marasta ah eek u haray magaalada Laascanood.

Waxaa bar barsocota xaaladda adag ee ka taagan magaalada Laascanood eedaymaha ay isku jeedinayaan dhinacyada , taas oo dab ku sii shidi karta xaalada magaalada oo allow sahal ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.