Dib miyuu u bilowday abaabulkii dagaalkii fashilmay ee Ceelbuur ?

Guraceel (Raxanreeb ) Mar kale waxaa lagu soo waramayaa in deegaano ka mid ah gobolka galgaduud ka soconaya dhaq dhaaq ciidan oo ku wajahan degmada Ceelbuur.

Xog RBC uu ka helayo deegaano ka mid ah gobolka galgaduud ayaa sheegaya Ciidmada dowladda Federalka Soomaliya oo ay wehliyaan maleeshiyo beeleedyo deegaanada Galguduud kasoo jeeda dhowr jiho kaga siqaya magaalada Ceel-Buur.

Abaabulka dagaal ee ka dhan ah Ceelbuur ayaa imaaya iyadoo kol hore fashil uu ku yimid qorshe la doonayay in ciidanka Dowladda iyo kooxaha maleeshiyaadka deegaanka ay ku qabsadaan degmada Ceelbuur.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugan Guracel ayaa u sheegay RBC in abaabulkan socda uu yahay kii ugu danbeeyay oo ay kula wareegayaan Degmada Ceelbuur kaas oo mar fashil uu ku dhamaaday.

Degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud ayaa la aaminsanyahay inay tahay xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ee gobolka Galguduud halkaas oo muddo dheer ay maamalayeen kooxda Al- Shabaab.

Degmooyin iyo degaano ka mid ah gobolka galgaduud waxaa si siman uga soconaya qorshayaal lagu doonayo in Al- Shabaab looga saaro gobolada qaar oo ay ku xooganayeen sanado badan

Leave a Reply

Your email address will not be published.